Xasan Sheekh oo ka baaqday shir muhiim u ah Soomaaliya iyo mas’uulka uu u direy

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday ka qayb-galka Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, halkaas oo ay ku qulqulayaan madax kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxaa beddalkiis baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Soomaaliya ku metali doono shirkaasi, waxaana ka horreeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay gogol xaarka shirweynahan.

Sida uu sheegay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Waxaa la filayaa in shir-madaxeedkan uu goor-dhow furmo, ayada oo looga hadli doono arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Sidoo kale hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka, arrimaha isbeddelka cimillada iyo sugnaanta cuntada.

Si kastaba, shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay shalay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira ururkan, kuwaas oo sheegay in aanay aqbaleyn fal xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, taasi oo xoojineysa guusha diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka ka gaartay xad-gudubka Itoobiya.