Daawo: Ciidamada Jubaland oo WEERAR culus ku qaaday GEDO ayaga oo beegsanaya…

Luuq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Jubbaland ka sameysay Jimcihii deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkan oo ka dhacab inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu), waxaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalladan ku gaaray deegaano horleh oo dhaca inta u dhexeysa magaaalooyinka Luuq ee gobolka Gedo.

Macallimuu oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Halkan waxaa ka dhacay dagaal ba’an nimankii nabad diidka ahaana waxaa ku gaaray khasaare illaa 4 qof waa kaga dhinteen, dhowr kalena dhaawac ayay ku jiiteen” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgallada gobolka Gedo, si looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee weli ku sugan halkaasi.

“Howlgalkan waa sida uu u billowday, waxaan filayaa in ciidamadu aysan sii joogi doonin meelahaan, waxaana taliskeena uu noqon doonaan gayd wayne” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, Daahir Muxumed Nuur ayaa sheegay in howlgalkan lagu xoreeyay deegaanka Shaatoolow oo ay horay u joogeen Al-Shabaab.

“Dhibaato ayaan gaarsiinay waan dagaalanay, haddana waxaan joognaa tuulaada Shaatoolow mana aragno Al-Shabaab oo waa carareen” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Gedo ayaa kamid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro khasaare leh ka fuliya deegaanada gobolkaasi.