Xogta sarkaal sare oo lagu dilay Muqdisho iyo ciidamada booliska oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu baadi goobayeen kooxiii ka dambeeyay dilka Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo ku hubeysan bistoolad, xilli uu ku sugnaa agagaarka iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday raggii dilay.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa sameeyay howlgal, balse waxa uu ku fashilmay inuu soo qabto dambiilayaasha dilka u gaystay marxuumka.

Aadan Biit oo muddo kasoo tirsanaa Booliska Soomaaliya ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Dalsan, halkaas oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, waxaana la is waydiiyanaa sida ay ku suuragashay in marxuumka lagu dilo goobtaas oo ay afarta dhinac ka jiraan ciidamo ku sugan kontaroolo ku yaalla halkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dhacdadan, sida madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” ayuu qoraalka ku yiri madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit”.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.