Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deegaanadeeda

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay wararka ku saabsan ‘gantaal’ la sheegay inuu Jimcihii kusoo dhacay agagaarka magaalada Taleex ee gobolka Sool arrintaas oo si wayn u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Xoghayaha warfaafinta ee SSC oo la hadlay BBC Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa xaqiijiyay in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.

Daahir ayaa sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.

“Waxay sheegeen inay xilli barqadii ah tageen goobtu uu gantaalku ku dhacay oo kaliya uu yaalo haraadigii iyo danbas balse waxaa muuqata inuusan dhulka wax badan hoos u jarin marka laga wax yar oo afka hore la galay,”ayuu yiri Daahir.

Mar wax laga waydiiyay sida ay ku xaqiijiyeen in burburkan uu yahay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.

Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.

“Waxaa deegaanka gaaray saraakiil ka tirsan haya’addaha ammaanka, waxayna soo aruuriyeen haraadiga gantaalka, waxaana la keenayaa Laascaanood si baaritaan dheerada loogu sameeyo, markaas ayaan heli doonaa faahfaafin intaas ka badan” ayuu yiri xoghayaha warfafinta ee Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inaysan jiran wax khasaare dad ama duunyo ah oo uu sababay gantaalka ku dhacay deeganadooda.

“Waxani wuxuu u egyahay gantaal habow ah baan u aragana marka si cad uma sheegi karno inuu dal ama qolo hebel ka yimi, wali baaritaanku ma dhammaan” ayuu yiri Daahir.

Si kastaba, dadka deegaanka u xaqiijiyeen SSC-Khaatumo, waxay rumaysan yihiin gantaalku ka yimid jiidda dhanka bariga kaga beegan xaga badda cas.