Daawo: Muran hareeyey laba kamid ah kuraasta BF ee reer waqooyiga ee kadib tallaabo uu qaaday Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxiinta kuraasta kala ah Hop 239 iyo Hop 237 iyo qaar kamid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boobayo kursi uusan xaq u laheyn inuu u tartamo.

Waxgaradka iyo masuuliyiinta beesha iska leh masiirka labadaas kursi ayaa sheegay in xittaa guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ay ku kala qeybsan yihiin jadwalkii xalay ka soo baxay guddiga ee lagu iclaamiyey doorashada labadaan kursi.

Waxgaradka beesha iska leh labadaas kursi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo nin lagu magacaabo Biixi Iimaan ay la wareegeen shaqada guddigii loo xil-saaray maamulka doorashada kuraasta BF ee Somaliland, waxayna si gaar ah Mahdi Guuleed ugu eedeeyeen inuu adeegsanayo awooda dowladda, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, musharaxiin kale iyo waxgaradka beesha iska leh metelaada labadaas kursi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in si deg deg ah uu u soo faro-galiyo boobka ay sheegeen in Mahdi Guuleed iyo siyaasiyiin kale ay ku hayaan kuraasta beeshooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa Ra’iisul Wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta, guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadka inay wax ka qabtaan boobkaan, cawaaqib xun ayaa ka imaan kara, amni darro iyo in beeluhu isku dhacaan ayaa ka dhalan karta, waxaana mas’uuliyadda koowaad ay ku dhaceysaa Ra’iisul Wasaaraha oo ah shakhsiga ugu sareeya hoggaanka amniga iyo doorashooyinka,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa xalay soo saaray jadwal kooban oo ku saabsan doorashada labadaan kursi ee murankooda uu cirka isku shareeray, waxaana jira warar sheegaya in xitaa guddiga aysan isku raacin jadwalka ka soo baxay ee ku kooban qabashada doorashada labadaas kursi.

Hoos ka daawo mas’uuliyiintii ka hadashay khilaafka labadaas kursi