Daawo: Musharax Jabriil oo khudbad culus maanta ka jeediyey Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 oo maanta markale dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka.

Musharax Jabriil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada cakiran ee dalka uu u horseeday is-qab-qabsiga madaxda Soomaaliyeed oo ilaa hadda heshiis rasmi ah ka gaarin is-mari-waaga doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

Jabriil ayaa sheegay oo carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay tahay inay tanaasul sameeyan, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

“Waxa lama huraan ah in is-qab-qabsiga la isku haysto laga soo bilaabo 2019-ka ilaa maanta aan joogno shirar joogto ah ayaa la iskugu imaanayeen, shirarkaas la iskugu imanaayeen intooda badan waxay ahaayeen dano shaqsiyadeed oo ma aheyn kuwo loogu daneynayay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka danta shaqsiga ah laga hadlayo wey adag tahay in la isku tanaasulo, qof kasta wuxuu sheeganayaa awood iyo caqli, wax shaqeynaya ayadana maaha, arrintaas wal-wal badan ayey igu haysaa oo waxaa ii muuqata wax wada-qeybsi la’aanta ayaa waxay sii dhalineysa in xaalada aan hadda ku jirno ay sii hurto”.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda lagu wado inay dhawaan shir ku yeeshen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane ay tanaasul u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay waqti geliyaan sidii uu u guuleysan lahaa shirkaas, maadama kuwii ka horeeyay ay kusoo afmeermeen fashil.

Musharaxa ayaa waxa kale oo uu ka digay in dowladnimada loo isticmaalo qaab ku takri-fal ah, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay falalkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday kula kacday madaxdii hore ee dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, wuxuuna bulshada ku baraarujiyey inay taxadar muujiyeen, asagoona ka tacsiyadeeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee u geeriyooday cudurkaasi, halka kuwo la xanuusana caafimaad ALLE uga baryay.