Qarax culus oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle waxaa goordhaw ka dhacay qarax aan weli la xaqiijin nooc uu ahaa, kaas oo ka dhacay Bar control oo ciidamo boolis ah ay ku sugnaayeen.

Qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa mid xoogan ayaa ka shacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, gaar ahaan halka loo yaqaano lambar Uno.

Khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Wararku waxay sheegayaan in nooca qaraxaas loo maleynayo inuu yahay, miino horay loogu aasay goobta, oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle.

Qaraxa kadib waxaa la sheegay inay ciidamadu fureen rasaas badan, taas oo illaa hadda aan la garaneyn in khasaare ka dhashay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online