Jubaland oo shaacisay halka AXMED MADOOBE uu ka degay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war kasoo saartay imaatinka Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho iyo goobta loo asteeyay inuu ku dago, xili uu dhawaan maamulkiisu uu walaac xoogan ka muujiyey amaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta galinka dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka doorashada uu muranka ka taagan yahay ayaa waxa uu degi doona xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Telefishanka Jubaland.

Waxaa amnigiisa sugi doona ciidamada AMISOM iyo ciidan kamid ah kuwa ilaaladiisa gaar ah oo saaka diyaarad qaas ah kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, sida lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii uu sheegay inuusan isku haleyn karin dowladda federaalka..

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8-February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.