James Swan oo hoygiisa ugu tegay Axmed Madoobe, muxuu kala hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay hooyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo ku dhex-yaalla aagga garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay labada masuul ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu baahiyey xafiiska Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado in maalmaha soo socda uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka hareeyey doorashada dalka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in la dejiyey gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, waxaana ammaankiisa sugaya ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidanka AMISOM, sida lagu shaaciyey qoraal maanta lagu baahiyey bogga TV-ga Jubaland.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa horay u dalbaday in shirka looga hadlayo doorashada lagu qabto goob ammaankeeda ay isku haleyn karaan, taas oo ka dhigan inay isku aamini waayeen xarumaha dowladda federaalka.

Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa hadda loo qorsheeyey in lagu qabto teendhadii afar sano kahor lagu doortay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeed ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana qabsoomidda shirkan dadaal badan ku bixineysa beesha caalamka.