James Swan oo war kasoo saaray weerarkii Xalane iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar hoobiyeyaal ah oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah.

Swan, oo qoraalka uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka, ayaa xaqiijiyey in illaa lix hoobiye ay kusoo dhacene Xalane.

Waxa uu sheegay inaysan jirin wax hanti QM ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka, iyo khasaare nafeed oo kasoo gaaray shaqaalaha QM ee ku sugan Xalane. 

Si kastaba, danjire James Swan ayaa sheegay inuu jiro khasaare weerarka kasoo gaaray dad aan aheyn shaqaalaha QM oo ka shaqeeya qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde, oo xerada Xalane ay ku jirto xeendaabkiisa.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiye ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qeybaha kale ee garoonka,” ayuu yiri James Swan.

“Inkasta oo ay jiraan ficilladan rabshadaha ah, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageeridda horumarinta waddanka,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray weerarka ku sheegay ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalada AMISOM.

“Saacaddu markay ahayd 13:15hrs, Al-Shabaab waxay dhowr hoobiye ku weerartay xerada Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’ado kale oo caalami ah oo ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaaray, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa loo qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalaheenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ay u adeegsadeen hoobiyeyaasha, mana shaacin wax khasaare ah.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.