Daawo: Gen. Muungaab oo u jawaabay Faroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u jawaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta maamulka Puntland oo uu sheegay iney qabyaalad ka dhigeen dadkii lagu dilay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab, ayaa sheegay in siyaasiyiinta Puntland ay doonayaan iney kala saaraan shacabka Soomaaliyeed oo qabyaalad ahaan u sababeen dadkii lagu dilay Hotelka Maka Al Mukarama.

“Ka waran siyaasiga dhahaya dadkii lagu dilay Muqdisho waxay ahaayeen beel hebel ilaahaan idinku dhaariyee ma wax buu dhisaya mase wuu duminayaa, Xamar waa magaalo tagtay qabyaalada ka daa”ayuu yiri Muungaab.