Qarax mar kale ka maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsanaa DF Somalia, gaar ahaan kuwa Militeriga ayaa goordhow Qarax lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa, waxaana la sheegayaa in Qaraxa uu yahay miino nooca Ramuudka laga hago, halka warar kaasi Khilaafsana uu sheegayo in Ciidamada lagu weeraray Bambooyin.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlaayay inta badan Magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli la sheegin Khasaaraha uu geystay Qaraxa.

Xaaladda halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid kacsan, waxaana ku sugan ciidamo badan, mana jirto wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidanka dowladda ay ka bixiyeen qaraxaan, khasaaraha ka dhashay iyo waxa uu yahay intaba.

Qaraxa ayaa kusoo beegmaayo xili Wasaarada Gaashandhiga DF Somalia, ay ku sugnaayen Wafdi uu hogaaminaayay Madaxweyne Xassan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Diplumaasiyiin Ajaanib ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com