Xog: Isbaheysiga Gen. Qeybdiid iyo Baarleex oo caqabad ku noqday qorshihii Xasan Sheekh

Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa shalay gaaray degmada Cadaado iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi, waxaana la filayaa inuu wadhadal la yeesho isbaheysiga maamulada Galmudug iyo Ximan yo Xeeb oo si weyn uga horjeestay go’aankii uu madaxweyne xasan caasimad goboleed ugu magacaabay magaalada Dhuusamareeb 8-dii Bishan.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo dhiggiisa Ximan & Xeeb C/llaahi Cali Maxamed ayaa go’aansaday inaan la furin shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe inta laga xalinayo warkii madaxweynaha ee caasimadda uu ku magacaabay Dhuusamareeb, waxayna arrinta wadahadalka labada dhinac noqon doontaa sidii loo furi lahaa shirka oo lagu waday inuu maanta furmo balse ay hakiyeen labada maamul.

Waanwaan kale oo dowladda Federaalka ay ku gasho Cadaado waxay ka dhigan tahay isjiid jiid kale iyo waqti ka luma dadaalkii loogu jiray in maamul loogu sameeyo goboladda dhexe oo markii beel iyo koox la xaliyaba ay mid kale hinaase ka qaadeyso.

Waxaa laga war sugayaa sida burhaanta wasiirka arrimaha gudaha u kala furto xujada u taala Cadaado, iyadoo hore madaxweyne Xasna Sheekh ugu raftay xalinta dhibaatooyinkii ka jiray Dhuusamareb iyo Caabudwaaq.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com