GANACSATO Soomaaliyeed oo qaaday tallaabo ay kaga aargudanayaan go’aanka KENYA (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledxaawo, ayaa sheegaya in Xawaaladaha halkaasi ku yaalla ay hakiyeen qabashada lacagaha Kenyaanka ah, kadib markii ay Kenya xirtay Xawaaladaha Soomaalida ee dalkeeda.

Cabdi Xuseen oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Ganacsatada Degmada Baledxaawo, ayaa sheegay in ka maamul ahaa aysan qaban doonin lacag Kenyaan ah, waxa uuna tilmaamay in Kenya ay iyaduba u baahan tahay Somalia oo aan iyada oo kaliya loo baahneyn.

Waxa uu sheegay in Lacagaha Kenya si aad ah loog istimaalo Magaalada ay diidmadeeda saameysay dhaqdhaqaaqi Ganacsiga gaar ahaan in Lacagta ay socoto.

“Adeer hadii ay Kenya diido furitaanka Xawaaladaha ha ogaato anaguna ma fasixi doono, waayo shacabka ku nool Baledxaawo %80 waxa ay isticmaalan lacagta Kenyaanka”

Dhanka kale, Ganacsiga Magaalada Baledxaawo ayaa ku tirsan midka Mandheera iyo lacagta Kenya, tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu meesha ka baxay Bangigii dhexe ee Soomaaliya waxaa Deegaanada dhaca Xuduuda laga isticmaalayay lacagta dalalka Dariska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com