DFS iyo maamulka Puntland oo kala saxiixday heshiis cusub oo ka kooban 7-qodob (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha DF Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa kala saxiixday Ilaa iyo Todobo qodob oo looga gudbaayo Khilaaf hoosaadka Puntland ay ka tabaneyso DF Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si wadajir ah ula hadlay Saxaafada, ayaa sheegay in Shirkii wadaxaajoodka laga gaaray Is-afgarad buuxa.

Afhayeenka Xukuumada Somalia, Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa warbaahinta u akhriyey War-murtiyeedka oo ka kooban 7 Qodob oo is-afgarad laga gaaray.

Halkaan ka Akhriso war-murtiyeedka:-

1- Dowladda Puntland iyo dowladda federalka waxay isku afgarteen dardar galinta heshiiyadii ay horey u wada gaareen oo uu ugu dambeeyay heshiiskii 11 actobar 2014. Si arintaas loo gaaro waxaa la magacabay guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya herglinta heshiisyadaas.

2- Waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo barlamaanka federalka Soomaaliya iyo guddiyada madaxa banaan ee heer qaran.

3- Dhismaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladdaa federalka waxaa loo marayaa si waafaqsan dastuurka federalka Soomaaliya.

4- Udiyaar garowga iyo qabashada madasha wada tashiga madaxda sare ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, Waxaana lagu qabandoonaa magaalada Garowe bishaan Abril.

5: Dhismaha ciidan Qaran: Waxaa la isku raacay in ciidan qaran oo dhan 300 askari loo qoondeeyo dowladda Puntland.

6: Waxaa lasoo dhaweeyay sida dowlada Soomaliya u maamulayso wada hadalka lagula jiro maamulka Soomaaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wada hadaladii ugu dambeeyay.

7: Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in si toos ah iskaashi iyo wada shaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida arrimaha dastuurka, qeybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada, iskaashiga qorshaha qaranka iyo siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com