Weerar lagu qaaday wasaarada gaashaandhiga xilli uu Xasan Sheekh ku sugnaa & Xasan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaafiic jihooyin badan laga soo tuuray ayaa waxa ay goordhow ku dhaceen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga DF ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta Madaafiicda lagu garaacay ayaa waxa ay ku taala wadada Warshadaha, iyadoona uu xiligaasi Wasaarada ku dhex sugnaa Madaxweyne Xassan Sheekh, Mas’uuliyiin ka kala tirsanaa Labada Gole ee DF Somalia, Taliyayaasha Nabadsugida iyo Boliska, kuwaasi oo ka qeybgalaayay munaasabada 12-ka April, oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xooga Dalka (1960-kii).

Dhawaqa Madaafiicda ayaa waxa ay qalqal galisay Mas’uuliyiintii ka qeybqaadaneysay Munaasabada, waxa ayna Madaafiicdu daba soctaa madaafiic kale oo xalay lagu garaacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo ay waxyeelo kala duwana ka soo gaartay dad shacab ah.

Madaafiicda maanta lagu garaacay Wasaarada Gaashaandhiga, ayaan la garanayn waxyeelada ay geysteen.

Dhinaca kale, Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxay xiligan hawlgalo ka wadaan xaafadaha dhabarka dambe kaga beegan Wasaaradda Gaashaandhiga, ee xigta dhinaca Degmada Dayniile, halkaasoo la rumeysan yahay in madaafiicda laga soo tuuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com