Xog: Ethiopian wata 50 gaadiidka dagaalka oo ka gudbay Balanbal kuna wajahan magaalada…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo wata gaadiidka dagaalka ay halkaasi ka gudbeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ahaayeen Ethiopian kasoo talaabay dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaasi oo ku wajahan magaalada Dhuusomareeb.

Xogta Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaysa in ciidamada oo qeyb ka ah AMISOM ay doonayaan iney buuxiyaan goobihii ay baneeyeen ciidamadii ka baxay Dhuusomareeb ee tagay Cadaado.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online, u sheegay in ciidamada ay wateen inka badan 50 gaadiidka dagaal iyo hub badan ay ku wajahan yihiin magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa dhawaan ka tagay magaalada Dhuusomareeb, iyaga oo tagay magaalada Cadaado si amaanka magaalada loo sugo inta shirka maamul u sameynta uu ka socdo magaalada Cadaado.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com