Xildhibaan xog ka bixiyey baarlamaanka J/Land

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Iidle {Xirow} oo kamid ah mudnayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxa ka socda magaalada Kismaayo iyo sida ay u kala xulanayaan baarlamanka maamulka Jubaland beelaha dega Jubooyinka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan mareeno heer gebogebo ah, xulista baarlamanka maamulka Jubaland waxa ay ku dhowdahay in lasoo afjaro, dadka dega jubooyinka aad iyo aad ayey u soo xulanayaan baarlamanka ayaga mateli lahaa waana jirta in muran ballaaran uu ka jiray kala xulista baarlamanka balse waa gebo gebo iminka” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hanaanka xulista baarlamanka Jubaland ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

Xildhibaan Xirow ayaa waxaa uu ku booriyay beelaha dega Jubooyinka in ay taageeraan nabadda isagoo si gaar ah ugu baaqay qurbajoogta kasoo jeeda gobollada Jubooyinka in ay ka shaqeyso nabadda iyo horumarka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com