Taliye sare oo laga dilay ciidamada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku dilay Taliyihii guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Baashe Cabdi Cali.

Dilka Taliyaha ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelbuha bariga gobolka Sanaag, iyadoona aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka Taliyahaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Askariga dilka geystay uu isku dayay inuu baxsado, hayeeshee gacanta lagu dhigay.

Askariga iyo meydka Taliyaha, ayaa loo qaaday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyadoona la filaayo in aas Qaran halkaasi loogu sameeyo Taliyaha.

Dilka Taliyaha ayaa kusoo beegmayso xili mudooyinkaani dambe ay sii kordhaysay falalka noocan oo kale ah, iyadoo todobaadkii hore deegaanka Gambadha askari ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com