Video: Xisbig Xiis oo laga taageeray Minnesota

Wasiirkii hore ee wasaaradaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiin iyo Gaadiidka hadana Gudoomiyaha xisbiga XIIS, Eng. Cabdullahi Cilmooge Xirsi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Minneapolis kana qeyb galay shir lagu taageerayo xisbiga cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Isbahaysiga Isbadaldoonka Soomaaliya oo marka magaciisa lasoo gaabiyo uu noqonayo XIIS,

Waxaana shirkaasi ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis kuwaasi oo hadalo kala duwan oo ay ka jeediyeen madasha shirka kana dhawaajiyey waxqabadkii mudadii uu haayey afartii wasaaradood isla markaana taageeray Xisbiga cusub ee xiis.

waxayna dadka buuxiiyee Form ay kaga mid noqonayaan xubnaha Xisbiga Isbahaysiga Isbadaldoonka Soomaaliya ee XIIS iyagoo sheegay in ay ku doorteen ajandaha iyo hiigsiga Xisbiga oo ay ka mid yihiin Nabadgalyada, Caddaaladda iyo Dib u heshiisiin, Fulinta iyo Xoojinta Sharciga dalka. Dhismaha Hay’adaha dawladda iyo Adeegga bulshada, Siyaasadda iyo Maamul wanaagga, Xoojinta Doorka Dumarka iyo Dhalinyarada, Xoojinta Xoriyadda iyo Fikirka, Dhameystirka Nadaamka Federaalka ah.

ciilmooge 1

Ugaas Maxamud Cunshur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Minneapolis ayaa sheegay in Eng Ciilmooge uu qaranka kasoo bilaabay heer uu dalkiisa difaacay isagoo xeray tuutaha ciidanka qaranka Soomaaliya ka dib markii uu Minnesota yimid ayuu hadana u istaagay wax u qabashada dadka soo qaxay oo halkani soo gaaray sidaasi darteed uu mudan yahay in Xisbiga Xiis si buuxa loo taageero.

Cadar Axmed Kaahin oo iyadane ka hadashay madasha shirka ayaa sheegtay in dalka uu u baahan yahay dad samatabixiya isla markaana Eng Ciilmooge ay baratay isagoo askari ah oo qaranka difaacaya oo ku sugan magaalada Burca, waxayna sheegtay in waxqabadkisa muuqda ay cid walba ka dharagsan tahay.

Intaasi ka dib ayaa ugu danbeyntii makarafoonka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha Xisbiga Xiis Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, wuxuuna ku dheeraaday waxyaabaha uu xooga saari doono hadii uu talada ku guuleysto,
Aragtiyada waaweyn ee xisbiga Xiis waxaa ka mid ah.

ciil mooge iyo deeq darajo

1-Nabadgalyada
2-Caddaaladda iyo Dib u heshiisiin dhab ah
3-Fulinta iyo Xoojinta Sharciga dalka
4-Dhismaha Hay’adaha dawladda iyo Adeegga bulshada
5-Siyaasadda iyo Maamul wanaagga
6-Xoojinta Doorka Dumarka iyo Dhalinyarada
7-Xiriirka Caalamiga ah
8-Adkeynta iyo Xoojinta Xoriyadda iyo Fikirka
9-Dhameystirka Nadaamka Federaalka ah

6-dii bishii feberaayo ayaad xisbiga Xiis loogu dhawaaqday Muqdisho, wuxuuna gudoomiyaha Xisbiga uu shirar kusoo qabtay Dalka Kenya, Yurub, hadana wuxuu ku sugan yahay dalka Maraykanka wuxuuna wada tashiyo la samaynayaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa si uu aruuriyo fikirka Maskaxda Fiyoow ee dadka Soomaaliyeed wuxuuna dhawaan tagi doonaa Caasimada Muqdisho halkaasi oo xaruntiisa ugu weyn ay tahay.