Xasan iyo awooda u sheegashada reer MUDUG!

Maamul u sameeynta G.dhexe waxaa sal-dhig u ah in la helo aqoon yahayn qora dastuurka lagu dhaqi lahaa maamul goboleedkaa,dastuurka waa heshiis bulshadeed G.dhexe shacuubta degani aay isku raacdo,hadaba xiliga la qorayo dastuurka G.dhexe waxuu qeexidoonaa dastuurkaa.

1) Meesha caasimad looga dhigayo dowlad goboleedkaa.
2) Sumada ama calanka uu qaadan doono,
3) Inta xildhibaan oo uu lahaan doono baarlamaank dowlad goboleedkaa,
4) Inta xukuumada ama golaha wasiirada aay noqon karaan,
5) Madaxweeynaha sifa loo dooranayo iyo inta sanno oo uu xilka haynayo,
6) Xuduuda dowlad goboleedkaa iwm.
7 ) Is-waafajnta dastuurka dowlad goboleedka iyo midka federaalka.

Sow lama dhihi karo Madaxweeyne Xassan Sheekh aad ayuu ugu degdegay magacaabida caasimada G.dhexe ee dhuusamareeb,xiliga la qorayo dastuurka G.dhexe ma waxaa la dhahayaa caasimada waa tii madaxweeynaha sheegay mise dib ayeey iskugu noqonayaan shacuubta degani G.dhexe si aay isugu waafaqaan caasimada dowlad goboleedka G,dhexe awooda Xassan Sheekh uu ugu magacaabay Dhuusamareeb xagee kaga jirtaa dastuurka dowlada federaalka ??

Waxaan u muuqataa arinkaa in uu yahay hore ha u socon gadaal ha u socon balse aay salka ku haysto in Xassan iyo xulufadisa xiliga 2016 ku darsadaan 1 ilaa 2 sanno si loo dhameeystiro waxa qabsoomi-waayay oo aay ugu horeeyso G.dhexe.

Waxaa mudan in lagu baraarugo haddii G.dhexe aay wax sameeysanayaan in sida la sheegay G.Galgaduud & G.Mudug loo madaxbaneeyo shacuubta degan lana waafajiyo xeerka dastuurka federaalka wax ku qoran oo ah in 2 gobol iyo waxii ka badani aay noqon karaan dowlad goboleed,waxaan aragnaa hada in hal gobol iyo bar lagu maquuninaayo in wax loo dhiso,dowlada federalka waxaa xaq loogu leeyahay in aay dhageeysto shacuubta degan labadaa gobo.

Faroole Muqdisho Magangelyo weeydiiso?

Jawaab ayuu Faroole maalmo gudahooda ka helay Ilaah markii uu idaacadaha ka sii daayay in Muqdisho lagu dilo oo kaliya qabiilada Daaroodka iyo Isaaqa, Faroole waxuu ahaa shaqsi guracan oo aanan marna raali ka ahyeen sidii Somalida aay u midoonbi laheeyd balse waxuu ahaa shaqsi kala fogeeynaya Somalida.

Alow yaa weeydiiya manta in Garowe ay tahay magaalo amnigeeda uu la mid yahay midka Muqdisho balse uu ka sii liito sabbabta oo ah marwadii Faroole ayaa lagu dilay.

Sida oo kale markii uu dhintay Yusuf Bari-Bari reer Puntland waxeey is tuseen in Muqdishi lagu gumaadayo oo kalyia reer qaas ah balse maata ayaa la weeydiin in dilka uusan aheeyn mid reer gooni ah,waxaan aad ugu xumahay in Yusuf Bari-Bari lagu aaso Garowe lana dhaho waxuu ahaa safiir Somali,haddii uu Somali dhab ah uu yahay Muqdisho ayaa lagu aasi lahaa sida Cabdirisaaq iyo Saado Cali rabi janadii ha geeyee.

Waxaan leeyahay Cabdiweli Gaas iyo Siilaanyo sida oo kale Xasan Sheekh iyo Xamed Madoobe & Shariif Xassan haku cibro qaataan Faroole waxa ku dhacay iyo xoolaha xaaranta ah ee caruurta lagu koriyo iyo halka aay u danbeeyaan.

Dr. Ali A. Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid