Shirka Cadaado oo markii 4-aad baaqday iyo DF oo guul aan la isku haleyn karin usoo hoyatay!

Cadaado (Caasimada Online)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqaneyso iney ku guuleysatay in odayaasha dhaqanka Galgaduud laga dhaadhiciyo in shirka maamul u sameynta ay kaga qeyb galaan magaalada Cadaado.

Sabtidii ayaa la filayay in shirka uu ka furmo magaalada Cadaado, laakiin meysan dhicin oo dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana dib u dhaca ka dambeeyay ciidamada AMISOM oo dalbaday iney xaqiijiyaan amaanka magaalada.

Warar hoose oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in markale dib u dhac uu ku yimid shirkaasi oo lagu balamay inuu ka furmo magaaladaasi maalinta Arbacada ee soo socota. Si kastaba, dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in odayaasha ay mar kale ay is-beddelaan oo aan la isku haleyn karin.

C/raxmaan Maxamed Odawaa, wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in Arbacada uu shirka ka furmayo magaalada Cadaado.

Wasiirka oo kulamo la qaatay waxgaradka magaalada ayaa sheegay in ciidamada ay amaanka adkeynayaan, odayaashana looga baahan yahay in ka hor Arbacada iney tagaan magaalada.

Waa markii afaraad oo uu dib u dhac ku yimaado shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com