Wasiir Odawaa: Go’aanka Ximan & Xeeb waxaa ka weyn kan Xasan Sh. isaga ayaana soconaya

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha gudaha Somalia ay ku sugan yihiin Magaalada Cadaado, ayaa waxaa ujeedka socdaalkaasi shaaciyay Wasiir Odawaa.

Waxa uu sheegay in muran uusan ka taagneyn Shirka la filaayo inuu ka furmi doono Magaalada Cadaado, waxa uuna meesha ka saaray in go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb uusan saameyn ku yeelan karin kan Madaxweyne Xassan.

Waxa uu Tilmaamay in dalka uu ugu sareeyo Madaxweyne Xassan Sheekh, amarka ka socon doono Cadaado iyo Dhuusamareeb uu noqon doono kaliya amarkiisa.

“Ujeedka aan Cadaado u joogno maaha inaan xalino arrintaagan, waayo mar waliba waxaa soconaayo amarka Madaxweynaha, go’aanka Ximin iyo xeeb ma noqon doono mid ka weyn kan madaxweynaha”.

Waxa uu ku celceliyay in DF Somalia ay dhex dhex dhexaad ka tahay Siyaasadaha ka dhex taagan Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Cadaado iyo Dhuusamareeb, balse ay waajib ka saaran tahay in wax waliba ay u wadaan dhanka wanaagsan.

Ugu dambeyntii, waxa uu ka digay in Odayaasha Erdooyinka ah ay dayacaan fursadaha horyaal iminka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com