Soomaalida Kenya oo loo qabtay 3 bilood inay..

Kenya (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa u qabatay Qaramada Midoobay inay muddo saddex bilood ah ugaga rarto xeryaha qaxootiga ee ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin iyadoo ugaga jawaabaysa weerarkii dabley hubeysan ay ku galeen jaamacada Garissa.

William Ruto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay qaatay go’aan lamid ah go’aankii Mareykanka ee sanadkii 2011, waxii ka dambeeyay weerarkii magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen inka badan 140 ruux.

“Qaabka uu Maraykanku isu bedelay kadib weerarkii 9/11 ayay dowlada Kenya isu bedeleysaa kadib weerarkii Garissa,” ayuu yiri Ruto.

Emmanuel Nyabera afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya ayaa sheegay inaysan ka helin dowlada Kenya codsi rasmi ah, sidaa darteedna uusan wax jawaab ah ka bixin karin.

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu diiwaangashan qaxooti dhan 330,000 kuwaasoo ku nool guryo aan rasmi ahayn oo ka sameysan baco iyo wixii agab ah oo ay heli kareen qaxootigan.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ka hadlay darbiga (700km,440-mile) ay dooneyso in dowlada Kenya ka dhisto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxana uu yiri Ruto: “

Go’aanadaas ayaa waxaa ka mid ah xirida illaa iyo 13 xarumood oo ah shirkadaha xawaaladaha iyo fariisinta xisaabaadka dad ku nool dalka Kenya iyo wadamo kalaba.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com