Magaalada Muqdisho oo maanta kala xiran iyo ciidamo waddooyinka lasoo dhoobay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ammanka DF Somalia ayaa Saakay xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Ciidamada oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay celinayaan gaadiidka u kala gooshaaya wadooyinka qaar.

Wadooyinka ay Ciidamada xireen ayaa waxaa kamid ah Maka Al Mukarama, Isgoyska Soobe, KM4, Seybiyaano ilaa Isgoyska Ex Control Afgooye ee Muqdisho.

Ujeedka loo xiray wadooyinka ayaa la sheegayaa inay tahay xuska Maalinta dhidibada loo aasay Militeriga Somalia, oo ay maanta ku asteysan tahay 12 April.

Madaxweyne Xassan ayaa la filayaa inuu maanta ka qeybgalo Munaasabad saakay ka dhaceyso Wasaarada Gaashandhiga Somalia taasi oo lagu soo bandhigi doono waxqabadka Wasaarada iyo gaada ka cayaarka Ciidamada.

Xaalada ayaa ah mid degan waxaana Saakay inta badan xiran goobaha ganacsiga, waxbarashada waxaana hakat ku jira gaadiidka BL-da.

Si kastaba ha ahaatee, xirnaanshaha wadooyinka ayaa kusoo aadeyso, iyadoo Habeenimadii xalay Madaafiic lagu weeraray Xarunta weyn ee Wasaarada Gaashandhiga xili ay ka soctay qabanqaabada Munaasabada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com