Dhageyso: Saraakiil Kenyan ah iyo saraakiisha Col. Barre Hiiraale oo kulmay iyo qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Online)- Saraakiisha Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa sheegay iney kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada Kenya ee gobolada Jubbooyinka, iyaga oo ka wadahadlay arimo ay kamid yihiin adkeynta amaankooda.

C/rashiid Macalin gaas, oo kamid ah saraakiisha Barre Hiiraale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay la qaaten taliyaha ciidamada Kenya ee Kismaayo, isaga oo balanqaad u sameyay sida uu sheegay Crashiid.

Kulankooda ayaa diirada lagu saarayay labo qodob oo kala ah in la xaqiijiyo amaanka saraakiisha Barre Hiiraale oo qaarkood marar badan lagu dilay magaalada Kismaayo iyo in lasii daayo saraakiil u xiran maamulka Axmed Madoobe.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in saraakiisha Kenyan-ka oo ay la kulmeen balanqaad wanaagsan ay u sameeyeen lana adkeyn doono amaankooda, sida uu sheegay C/rashiid Macalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com