Beelaha Harti oo diiday baarlamanka Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Beelaha Harti ee daga gobolada Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafey wararka ka imaanaya Kismayo sheegayaan iney ka biyo diideen qaybtii ay ka heleen Barlamanka dowlada Jubaland.

Beelahaan ayaa cabasho u gudbiyey madaxda u sareysa maamulka Jubaland gaar ahaan madaxweyne Axmad Madoobe balse ma jiraan ilaa hada xal laga gaarey cabashadaan sida warsidaha Garowe online fahansan yahay.

Dhinaca kale waxaa maalintii shaley 10 April,2015 ka baxey shirka ergadii beelaha daga gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland uga qayb galeysay kulankaas.

Wafitagaan oo ka dagey magaalada Muqdishu ayaa waxaa hogaaminayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi kaasoo eedyn balaaran korka uga tuurey madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe iyo beesha uu kasoo jeedo isaga oo tilmaamey iney tacadiyo ka gaystaan magaalada Kismayo.

Ugaaska ayaa sheegey in beeshiisu ka baxdey shirka lagu qaybsanayo xubnaha Barlamanka madaama loo ogalaan waayay dadka Soomaaliyed in si dhaqan kooda waafaqsan wax u qeybsadaan.

Ugaaska Beesha Sade ayaa sidoo kale xusey ineysan waxba ka qeybsan doonin Baarlamanka ay qorayaan kooxda Axmed Madoobe waa sida uu hadalka u dhigaye. Talaabadaan ayaa dhabar jab ku ah xukuumada Axmad Madoobe oo muddo bilo ah uga dhiman tahay mudadii loo qabtey maamulkiisa kaasoo u baahan jiritaanka Barlamanka Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com