Siyaasi shaaca ka qaaday in Dowladda Somalia ay wado qorshe lagu kala goynayo PUNTLAND

Gaalkacyo  (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa Musharaxiintii u tartameysay Xilka Madaxtinimada ee Puntland, ayaa walaac adag ka muujiyay Hanaanka Siyaasadeed oo ay DF Somalia ku hageyso dhismaha Maamulka loo sameynaayo G/Dhexe ee Somalia.

Siyaasiga oo deegan ahaan kasoo jeeda Gobolka Mudug ayaa qaadacay go’aanka DF Somalia ku gaartay in Waqooyiga Gobolka Mudug lagu biiriyo Maamulka Cusub ee dhawaan la filaayo in la yagleelo.

Cabdi Daahir (Yeey) ayaa warkaani sheegay xili uu la hadlaayay Idaacad maxali ah, waxa uuna sheegay in dhismaha Maamulkaasi uu ka imaan karo khatar iyo isku dhaca,waxa uuna tilmaamay in Waqooyiga Gobolka Mudug uu ka tirsan yahay dhulka Puntland, islamarkana aysan suuragali doonin go’aanka uu ka shanqariyay Madaxweyne Xassan xili uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Siyaasiga waxa uu carabka ku dhuftay in dalka uu leeyahay hal Dastuur kaasina uusan amreynin Madaxda DF Somalia in Gobol iyo Bar laga dhigo Maamul Goboleed, hadii ay ku adkeystaan ay ka imaan karto caqabado Siyaasadeed.

Cabdi daahir ayaa geesta kale sheegay inuu socdo Qorshe lagu jarjarayo Dhulka Puntland kaasi oo la doonayo in Gobolka Mudug la raaciyo Galgaduud sidaasna Maamul looga dhigo.

Waxa uu ka digay in Maamulka Puntland uu taageero go’aankaasi kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh, wuxuuna ku taliyay in arrintaasi lagu dhameeyo gogol.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com