Daawo: Muxuu Farmaajo ka sheegay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in guusha maanta taagan ay usoo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii soo dhammaatay.

“Waa guul usoo hoytay Ummadda Soomaaliyeed oo taariikhda ay xusi doonto waxaan ognahay in dowlado naga fac weyn oo dimoquraadiyad ah ay natiijada doorashooyinkoodu mararka qaarkood uu hareeyo muran iyo khilaafaad,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan dalka uu leeyahay dowlad rasmi ah iyo hoggaan cusub oo la doortay, uuna la shaqeyn doono.

“Dalku wuxuu leeyahay dowlad shaqeyneyso iyo hoggaan la doortay oo sharci buuxa leh, waxaan baranay qori isu dhiib inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada, isaga oo uga mahadceliyey sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta difaaca iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaa kale oo muhiim ah inaan u mahadcelino ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalinba u taagan difaaca dowladnimada, una huray naftooda,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ballan-qaaday in si walaalnimo ah u garab istaagi doono Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu siin doono talooyin wax ku ool ah, si loo sii wado horumarka dalka iyo dowladnimada Somalia.