Daawo: Nabadoon Abaabul oo war ka soo saaray xiisada Daarusalaam, kuna taliyey in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul ayaa ka hadlay muranka ka dhashay aqoonsiga degmada Daarusalaam, saddexda degmo ee ku soo biirtay caasimadda iyo degmooyin kale oo hadda uu codsaday in lagu soo daro Muqdisho.

Nabadoon Abaabul ayaa ugu horeyn bulshada caasimadda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qoqob bulsho, isagoo maamulka iyo hey’adaha amniga ku bogaadiyey sida ay u  uga hortageen dadkii isku dayey inay xasaradda abuuraan.

Nabadoonka oo aad u soo dhoweeyey aqoonsiga ay dowladdu siisay degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ku jirto xaalad ciriiri ah.

Cabdulqaadir Abaabul oo ku hadlay afka golaha uu hoggaamiyo ee badbaado bulsho ayaa dalbaday in Muqdisho lagu soo daro degmooyinka Afgooye, Balcad, Warsheekh iyo deegaanka Jazeera.

“Muqdisho way soo yaraatay, waxaana codsanaa in Jasiira, Afgooye, Balcad iyo Warsheekh lagu soo daro Muqdisho,3-da degmo ee cusubna waan soo dhaweynayaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Cabdulqaadir Abaabul.

Wuxuu sheegay in bulshada caasimadda afkeeda uu ku hadlayo, isagoo baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qorshe gaar ah ka yeeshaan sidii loo fidi lahaa caasimadda Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in lagu soo daro degmooyinka daafaha ka xiga.

Nabadoon Abaabul ayaa ku eedeeyey Suldaan Hooley inuu dab ku sii shidayo xiisadda ka taagan degmada Daarusalaam, isagoo sheegay in hadda xaaladu ay soo hagaageyso oo wadahadallo loo furay dhinacyada is haya, si loo kala saaro bulshada.

“Hadii Hooley dhaho degmada reer Hebel ayaa leh oo ana ka daba dhaho oo waayeelkii talada goyn lahaa uu beelaha kala hoggaamiyo waxa laga faa’iidaayo oo kala qeybsanaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho oo hadalkiisa sii watay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkii Suldaan Hooley, “Dadkaas ha fariisteen talo haka gaareen waxa dhex maray iyo sidey u wada noolaanayaan, qofkii uga dareysa xaaladda haka leexdo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo