Minneapolis (Somalia Today) — Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa Talaadadii la kulantay dhacdo argagax leh, kadib markii nin careysan uu masraxa ugu soo cararay xilli ay ka qaybgalaysay kulan dadweyne (Town hall) oo ka dhacay magaalada Minneapolis, isagoo ku buufiyay dareere ur badan.
Weerarkan ayaa dhacay xilli Ilhaan ay si adag u cambaaraynaysay falalka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka (ICE) ee gobolka Minnesota.
Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay ninka oo si xowli ah ugu soo cararaya halkii ay xildhibaanaddu taagnayd, isagoo ku buufinaya dareere, ka hor inta uusan nin goobta ku sugnaa qabanin oo dhulka dhigin. Ilhaan oo muujisay dhiirranaan ayaa dhawr tallaabo hore u qaadday iyadoo gacanta taagaysa, balse markii ninka la xakameeyay ayay dib u billowday hadalkeedii kadib hakad kooban.
Booliska Minneapolis ayaa xaqiijiyay in saraakiishii goobta ku sugnayd ay arkeen ninka oo isticmaalaya saliingo si uu dareere aan la garanayn ugu buufiyo Ilhaan. Ciidamada ayaa isla markiiba ninkaas xiray, iyagoo ku soo oogay dacwad weerar heerka saddexaad ah (third-degree assault), waxaana boolisku sheegeen in Ilhaan aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Kooxda baarista dembiyada (Forensics) ayaa goobta gaaray si ay u baaraan dareeraha la isticmaalay.
“Wuxuu ku buufiyay walax,” ayay haweeney goobta ku sugnayd tiri, iyadoo dad kalena ay ka cowdeen urta xun ee dareerahaas. “Waxaan u baahanahay tirtire (napkin),” ayay tiri Ilhaan markii ninka la kaxeynayay, iyadoo intaas kadib si deggan u tiri: “Waan sii wadi doonnaa.”
Weerarka ayaa yimid xilli Ilhaan ay weerar afka ah ku haysay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem iyo hay’adda ICE, iyadoo ku baaqaysay inay is-casisho kadib dilkii laba muwaadin oo Maraykan ah oo dhowaan ka dhacay Minneapolis intii uu socday hawlgalka socdaalka ee uu riixayo Madaxweyne Donald Trump.
“ICE lama hagaajin karo, dibna looma habeyn karo, waa inaan gebi ahaanba meesha ka saarnaa, Xoghayaha DHS Kristi Noem waa inay is-casishaa ama wajahdaa xil-ka-qaadis,” ayay tiri Ilhaan xilli ay dadku u sacbinayeen, waxaana xilligaas soo orday ninka oo ku qaylinaya “Adigaa ay tahay inaad is-casisho.”
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump oo inta badan weeraro siyaasadeed ku qaada Ilhaan, horayna ugu tilmaamay “qashin,” ayaa isla Talaadadii khudbad uu ka jeediyay Iowa ku sheegay in Ilhaan aysan jeclayn Maraykanka.
“Waa inay muujiyaan inay jecel yihiin dalkeenna, waa inay sharaf u arkaan,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay soo-galootiga. “Ma ahan sida Ilhaan Cumar oo kale,” ayuu raaciyay.

