Daawo: Odayaasha Hawiye oo war muran dhaliyey kasoo saaray xiisadda Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaga ku taliyay “in la joojiyo durbaanka colaadeed ee qabiileysan”.

Odayaasha oo kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan xiiso u qabin dhiig daata, islamarkaana laga shaqeeyo nabad-gelyada.

“Anaga oo ku hadleyna magaca odayaasha Hawiye waa ka tacsiyadeyna, wixii dhintay Allaha u naxariisto intii dhaawac ah Allaha shaafiyo. Masiibadii ka dhacday Laascaanood iyo mushkiladii ay keentay hanti burburtay waxaa leenahay badal kheyr qaba Allaha siiyo walaalaha meesha ku dhibaatooday,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee beelaha Hawiye.

“Dadka meesha (Laascaanood) isku haysta waa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, waxkastana wada leh. Dagaal Wiil kuma dhasho ee Wiil ayaa ku dhinta, waxaa ku baaqeyna nabada meeshaas ka jirta in aan la lumin.”

Sidoo kale waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanood in xiisada taagan ku dayaan xal aan aheyn xabad, islamarkaana isugu yimaadan gole weyn oo loo dhan yahay.

“Xabada qoriga waa in laga baxsha oo caqliga iyo aqoontu shaqeyso. Waxa kale oo soo jeedineyna durbaan colaadeed anagu ma jeclin oo Soomaaliya lama rabno, walaalayaal waxa ku baaqeyna in la joojiyo durbaanka colaadeed ee weliba qabiileysan.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi in qaab degan oo xikmadeysan u xaliyo xiisadda Laascaanood, xili ay shalay gudaha magaalada ka saartay ciidamadii fara-badna ee hore ugu soo daad-gureysay.

Dadka qaar ayaa dhalleeceeyey baaqa odayaasha Hawiye, ayaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen inay toos u dhalleeceeyaan maamulka Muuse Biixi ee ciidankiisa ay dadka shacabka ku dileen Laascaanood, halka ay is-barbar dhigeen shacabka la dilay iyo ciidanka wax dilay.

Hoos ka daawo muuqaalka