DAACI oo shaaciyay in jab xoogan oo dagaalkii maanta lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Daaci ayaa sheegay in jab iyo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee saaka weerarka kusoo qaaday saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin Hilowle-gaab.

Sidoo kale waxa uu qiray in ciidamada dowladda uu dhankooda khasaare kooban kasoo gaaray dagaalka, isaga oo sheegay in deegaanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada loo yaqaano huwanta.

“Dagaal badan baa dhacay, Khawaarijtu way soo weerareen, ciidamaduna way iska caabiyeen laakiin labada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay markii dambe. Nin oday ah oo xabado habow ah ku dhaceen ayaa jira,” ayuu yiri.

“Ciidamadu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay oo waa lasii daba-joogaa, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku daba jiraan firxadka Shabaab kamid ahaa raggii weerarka kusoo qaaday ciidamada ku sugan deegaanka Hilowle-gaab.

“Nimanka howdka ayey ku jiraan oo meel fog ayay ka yimaadeen, dhaq-dhaqaaqa waxa la arki karaa marka meel dhow ka yimaadeen dadka aad ka iska fiirineyso, laakiin meel fog waa ka imaadeen meel dhowna awal ay joogeen ma dheereen.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Xogta weerarka in la hayay waa iska dhici karta, ciidamada waa iska caabiyeen oo waa dadaaleen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay si aysan Al-Shabaab weerar rogaal celin ah ugu soo qaadin deegaanadii laga xoreeyay, uu qorshahooda yahay inay ugu tagaan goobaha ay hadda joogaan, kagana adkaadaan.

Dagaalka saaka ka dhacay Hilowle-gaab ayaa ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.