Xog: Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay duleedka magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga iyo booliska Somaliland ee dhawaan ka baxay magaalada Laascanood ayaa duleedka magaaladaas ka billaabay abaabul dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa habeenkii Arbacada ka baxay magaalada, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay inay sababta tahay inay u turaan shacaba, si aanay magaaladu uga dhicin dhimasho kale.

Si kastaba, Somaliland ayaa hadda ciidan cusub keentay duleedka magaalada oo ku kordhay kuwii hore, waxayna doonayaan inay xoog ku galaan magaalada Laascaanood oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo degaanka ah oo hubeysan, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in si weyn magaalada looga dareemay abaabulka ay Somaliland waddo, islamarkaana ay u diyaarsan yihiin inay iska difaacaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in hadda ay billowdeen in dib loo furo badi goobaha ganacsiga magaalada ee ku xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada, balse xaaladdan cusub ay cabsi abuurtay. 

Qaar k amid ah odayaasha dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si xaaladda magaalada ay caadi ugu soo noqoto, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee magaalada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray.

Xaaladda Laascaanood ayaa kacsan muddo laba toddobaad ku dhow, kadib markii dil loo gaystay siyaasi dhallinyaro ah uu horseeday inay shacabka kacaan, kadibna ciidanka Somaliland ay awood u sheegtaan.

Illaa 20 qof ayaa ku dhintay magaalada tan iyo markii ay dibadbaxyada billowdeen ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa weli soo kordhaya baaqyada loo jeedinayo xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo ah inay hab xikmadeysan u xaliso xiisadda Laascaanood.