Daawo: Xasan Sheekh oo go’aan cusub ka soo saaray qofkii kasoo hara Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu horeyn farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sii dabar go’ayaan, “Dhalinyaro meesha aad aadeen waa halaage ka soo laabta, ku soo noqda dalkiina, dowladiina iyo diintiina,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo Shabaab ka tirsan uu maalin kasta galo cuqubo aan ka hari doonin adduun iyo aaqiro, “Kuwa madaxoodu adkaaday ka soo hara dhalinyaro,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin u diray dadka reer miyiga ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in aysan aamin qof ka soo goostay Al-Shabaab, isla markaana ay dowladda u daayaan hubinta iyo dhaqan celinta qofkaas.

“Marar badan ayaan ka digay arrinta qabiilka, walaalayaal Shabaab nagu qabiil maaha, warar badan ayaa isoo gaaray oo deegaanada qaarkood, dadkii Shabaab-ka ka tirsanaa inay dadkooda iska dhex galeen, waxaasi macquul maaha, waana khatar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sid gaar ah madaxweynaha ayaa ka hadlay odayaashii sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka nabadoonimada iyo kuwii lacagaha u uruuri jiray, isagoo sheegay in meeshaas aysan nabadoonimo ka jirin ee raggaasi ay raali ka ahaayeen in la laayo dadkeenna.

“Dadkii lagu qanciyey in dadkaan Soomaaliyeed la laayo, ayaa maanta qabiilkiisu wuxuu ku leeyahay ninkaan anagaa shalay Shabaab u dirnay, war Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leenaayey ee maxaad u dirtay inuu dadka wax ka laayo?” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa qabaa’ilka ku doodaya inay odayaal u dirsadeen Al-Shabaab, si wixii uga xirma ay uga nabadooniyaan ayaa weydiiyey su’aal ah, war ninkaan dadka dilaayey, qof wakiilka ah ee aad u dirsatay muxuu ka shaqeynayey?.

“Nin kasta oo camalka Shabaab ee dalkaan ka jira ka mid ah, waa Shabaab, qofkii ka soo baxa waa fiican yahay, laakiin aan isla ogaano, mar kasta Al-Shabaab ayuu la hadli karaa qofkaas adigoo qabiil ku cafinaya ayuu ku jaajuusayaa, cudur daar malaha qof Shabaab u adeegay ee yaan lasoo dhaweysan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo