Daawo: Madaxweyne Xasan oo mar kale farriin ka soo saaray xiisadda Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq ka soo saaray xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo hal arrin kula dardaarmay Somaliland iyo dadka reer Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland iyo shacabka Laascaanood aysan macquul aheyn in 32 sano kadib ay is dilaan, isagoo ugu baaqay inay ka joogaan taas.

“Waxaan baaq u dirayaa dadka reer Laascaanood iyo dowladda Somaliland, wax xilli la is dilo lama joogo. Sidii aan uga tacsiyeynayey wixii Baydhaba ka dhacay maalmo ka hor oo Sh/Dhexe qabaa’ilkii isku dilay aan uga tacsiyeynay, ayaan uga tacsiyeyneynaa, ugana xunahay wax aka socda Laascaanood,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa maamulka Somaliland kula taliyey in dadka inta xabadda laga daayo loo soo diro dad la hadla, “Dad la hadla oo ay hadalkooda dhageysanayaan haloo soo diro reer Laascaanood, waxay ku bukootay yaan lagu daaweyn,” ayuu ku taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale hadallada aan wanaagsaneyn ee siyaasiyiinta ka soo yeeraya ayuu ka digay Xasan Sheekh, kuwaas oo sida uu sheegay bulshada ku keenaya inay isku dhacdo, “Dadkaas Soomaaliyeed ee is dilaya waa na dhibeysaa, reer Laascaanood waxaan leeyahay mowqifkiina la soo istaaga, laakiin hadalada wax haleynaya hala joojiyo, waxaba idiin soo kordhi maayaane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweyne Xasan ayaa Somaliland ugu baaqay in sidii hore si ka duwan inay ula dhaqanto reer Laascaanood ay ku dadaasho, si loo demiyo xiisadaan, “dadku haday kacaan si loola dhaqmaa jirtee, xabad wax ma wanaajiso.”

Ka dowlad ahaan wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay dhibsanayaan inay arkaan dadkii reer Laascaanood oo calanka dowladda Soomaaliya ee biluuga ah babinaya, kadibna ay xabad la dhacayaan ciidamada Somaliland.

“Dhiig meeshii ku daato dhibaato dheer ayaa ka dhacda, dul qaad badan kadib ayaana dowladnimo la gaaraa, marka reer Laascaanood waxaan idin leeyahay walaalayaal tartiib iyo dhib la’aan ku raadsada waxa idinka maqan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo