Daawo: Odayaashii Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee sanadkii hore dhamaadkiisa heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho.

Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa muddooyinkii dambe ku xirna magaalada Muqdisho, ayada oo markii hore ciidamada ammaanka Galmudug ay kasoo qabteen magaalada Cadaado.

Odayaashan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa maxkamadda ka hor sheegay in heshiiska ay la-soo galeen Al-Shabaab “uga dan lahaayeen furashada naftooda iyo ehelkooda” hase yeeshe aysan ka aheyn wada-shaqeyn dhex-marta iyaga iyo kooxda.

“Heshiiska waxa uu ahaa 70 qof ayaa nooga xirna, haddii aan 70-ka ka samri laheyn anaga la xirneyn, in anaguna aan xirano dadkaasna laga samro oo meel aan laga soo qaban karin ay gaarto in aan been ku maslaxno ayaa ku gadanay nidaamkaas,” ayey yiraahdeen.

“Waxay yiraahdeen (Al-Shabaab) odayaal Galgaduud oo aan imaan idin siin mayno dadkii u tagay. Dadkaas rejo ayuu leeyahay hadda timaadan haddii kale ka samra ayey nagu yidhaahdeen oo sidaas ayay nagu soo waceen oo aan ugu tagnay.”

Sidoo kale waxay ku doodeen in dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin, islamarkaana aanay aheyn dad dhabar jabinaya dowladda, sida ay sheegeen.

“Heshiiska soo galnay gacan ku rimis ayuu ahaa, haddana waxay dowladda ka garato ayaa ka yeelayna ama beeneyn ah, waxay mudan tahay ayaa marineyna, wixii hore soo marnay wax ka jira malaha.”

Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale maxkamadd ka hor sheegay in saddexdaan oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyntiina soo xiray fadhiga maxkamadeed, isaga oo sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto kiiskaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.