Sawirro: Xasan Sheekh oo Baydhaba ka dhagax dhigay madaxtooyada qaranka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee dhawaan la dhisay iyo goobo muhiim u ah adeegyada bulshada reer Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa isla maanta booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqolaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, isaga oo soo kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan.

Waxa uu sii xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbarasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray Isbitaal-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay bahda caafimaadka iyo maamulka gobolka, wuxuuna faray xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uga qeyb-galay shirka dib-u-heshiisiinta oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka.