Daawo: Prof. Xasan Sheekh: “Rooblow calaacalka jooji”

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn u falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadal jeedintii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Rooble isagoo sheegay in calaacal uusan waxaba ka bedaleyn xaaladda cakiran ee Soomaaliya ay maanta ku jirto.

Professor Xasan ayaa Ra’iisul Wasaaraha kula taliyey inuu u dhaqmo sida ay ula dhaqmayaan raga ay siyaasadda isku hayaan, hadii uusan taas sameyn karina uu siyaasadda isaga baxo.

“Waxaa jira xilli uusan calaacalku waxaba tarin, hadii ninka kaasoo hor jeeda uu kula dagaalamaayo waa inaad iska celisaa, isha haduu uu farta kaa geliyo adna ka geli,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable wuxuu hadalkii uu Rooble ka jeediyey kulankii ducada ahaa ee loo sameeyey Xildhibaan Aamina Maxamed ku macneeyey laba qodob oo kala ah, quus iyo war-gelin dadweyne.

“Horta dhinac quus ayuu ka ahaa hadalkii Rooble, wuxuu arkay in Muqdisho ay nala joogaan dad ka gudbay heerka bini’aadanimada oo dilaa ah, dhinacna wuxuu ahaa wargelin, oo wuxuu u ekaa nin ku qeylinaya war ka kaca oo cadowga iska qabta, si dadku aysan berri u dhihin uma maleyneyn in saan ay wax noqa doonaan, marka hadalkaas waxaan ku macneeyey waryaada waa la isisoo galaye is difaaca,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in hadda la iskala baxay ku dhaqankii shuruucda dowladnimada, “Marka Rooble kuma qaldaneyn inuu dadka u sheego xaaladaan qatarta ah oo waxay noqaneysaa ‘nin kuu digay kuma dilin.”

“Hadalka Rooble wuxuu ahaa waryaada talo faro kuma jirtee, waxay joogtaa nin walbow madaxaaga Meyrax ku duubo oo berri yaan la dhihin Rooblaa noo qariyey qatartaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Prof. Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo