Maamulka HirShabelle oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah guddiga doorashada FEIT

Jowhar (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aan ku gaaray inaanu liiska xildhibaanada u gudbin guddiga doorashada heer federal, sababo la xiriira inay liiska ka reebeen kursiga HOP)86 ee Fahad Yaasiin.

HirShabeelle ayaa sheegay inuu taa beddelkeed liiska xildhibaanada si toos ah ugu gudbinayo xoghayeyaasha labada Aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya. 

HirShabeelle ayaa uga digtay gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami u socodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha Wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay HirShabeelle

Dowladda HirShabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah. 

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee HirShabeelle. 

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay. 

Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee HirShabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.