Daawo: Qaabkii XASAN u dalacsiiyey saraakiisha Gorgor ee difaacay Xarardheere

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar taariikhi ah ku tegay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku soo qaadeen weerar culus oo ay doonayeen inay kula wareegaan, balse ay awoodi waayeen.

Maxaxweynaha ayaa maanta kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada Xarardheere, isagoo u khudbeeyey ciidanka.

Guusha ugu weyn ee safarka Madaxweynaha waa inuu dalacsiiyey dhammaan saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka ee kooxaha Khawaarijta ah ka difaacaya degmada Xarardheere iyo deeganaada hoos taga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh inuu dalacsiiyo askarta iyo saraakiil xigeenada ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale saraakiishii iyo ciidamadii joogay halka uu khudbadaan ka jeediyey ayuu ka codsaday inay salaan ka gaarsiiyaan ciidamada ku maqan furimaha iyo kuwa duurka fog ee degmada difaaca uga jira, taas oo muujineysa laxawga ay madaxweynaha ku hayaan ciidamada naftooda horayaasha ah.

Wasiirradii la socday ee gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ayuu sheegay inay soo dhameystiri doonaan baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo bulshada degmada Xarardheere, isagoo ka balan qaaday in safarkaan uusan noqa doonin kii ugu dambeeyey ee Xarardheere uu ku tegay, balse uu ku laaban doono halkaas.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee booqda degmada Xarardheere, waxayna booqashadiisaan ku soo aaday xili ay adagtahay xaaladda magaaladaas oo Shabaab ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse Xasan Sheekh ayaa maanta shacabka iyo ciidamada ku sugan degmadaas dareensiiyey inay astaan u yihiin halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Hoos ka daawo