Sawirro: Xogta safarkii Xasan iyo Qoor Qoor ay ku tageen Xarardheere iyo Ceeldheer

Xarardheere (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug.

Safarka Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa daaraa dardar-galinta howlgallada dib u xoreynta dalka, isagoo dhiirigalin u sameeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa min hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo ka hor ay Shabaab isku dayeen inay xoog kula wareegaan, balse lagu laayey.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay shacabka iyo ciidamada ku sugan degmada Xarardheere ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kicitimay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha ayaa mar kale fagaare kula hadlay shacabka degmada Ceeldheer,  Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka, wuxuuna ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda, si halganka ay ku jiraan uu u guuleysto.