SOMALILAND oo dhibco siyaasad ka heshay ansixinta wax ka beddelka dastuurka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegtay in aysan arrintaasi waxba ka quseyn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa sheegay in talllaabaddii Sabtida ay soo afjareyso rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jirtay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waa shaqo ay iyagu (Soomaaliya) ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin midaasi,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC-da.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kaliya oo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur iyada u gaar ah, kaasi oo loo codeeyay sannadkii 2001-dii, wuxuuna iska yeel-yeel ku tilmaamay in xildhibaanno reer Somaliland oo ka tirsan BF ay wax ka ansixiyeen dastuurka.

“Qof ka qoran halkan (Somaliland) in uu dembi ka galay oo xilka markuu ka dhamaadana ay tahay in uu cafis weydiisto (madaxweynaha Somaliland) siduu dal u ma talayaa?,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan.

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa fursad siyaasadeed ‘aan la fileyn’ ka heshay tallaabadda ay Sabtidii qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu baarlamaanka marsatay wax ka beddelka dastuurka ee ay rabtay, kaasi oo uu xalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan.