Villa Somalia oo ka baxday heshiiskii madax goboleedyada iyo waxa ka dhalan kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lasoo warinaya inay gadood ka qaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uumadaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.

Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;

1. Haykalka dowladnimada

Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.

2. Tirada xisbiyada

Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

3. Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed

Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.

Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah.

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamullada go’aannadii u dambeeyay wax talo ah laga siinin, waxa kale oo Villa Somalia hoos iskaga dhigtay dhowr jeer oo ay afartaan maamul dalbadeen in la qabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waxay hadda ku sugan yihiin Boqortooyada Sacuudiga oo ay Cumro u joogaan, halka la filaayo inuu maalmaha soo aadan ku biiro Qoor-Qoor.

Illaha ku dhow-dhow xubnahaan waxay warinayaan inay gadood ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh howsha u qaabeeyay iyo inay qaarkood ka fikirayaan inay tallaabooyin deg deg ah qaadan Ciidda kadib, maadaama ay badi isbeddeleen wixii ku qornaa heshiiskii ay la galeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.