DF durba miyey jabisay dastuurki la ansixiyay Sabtidii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo durba lagu macneeyay “inay jabisay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.”

Dastuurka la ansixiyay oo xalay uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”

Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo baahinayay safarkii uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay furimaha hore ee dagaalka, ayay waxay Mudane Axmed Qoor-Qoor ugu yeertay “madaxweynaha Galmudug” halka uu dastuurka Villada meel-marsatay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyaha Galmudug”.

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maalinkaas meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal.

Sida muuqata warbaahinta dowladda ayaa faham buuxa ka haysan dastuurka Sabtidii meel-marka noqday, waxayna tallaabadan dhinaca kale shaki gelinaysa in wax ka beddelka dastuurka uu dhaqan-gal noqdo, maadaama ay durba dowladda ay u muuqato mid jabisay qodob kamid ah dastuurka ay meel-marsatay.

Dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya, ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna xalay saxiixay madaxweynaha.