Daawo: Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo u hanjabay Dubbe + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay inay dhibsadeen hadalkii wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, kaas oo uu ku shaaciyey in shirkii Afisyooni lagu kala tegay, kadib markii “uu ka socon waayey” madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Waxay ku eedeeyeen in wasiir Dubbe bulshada Soomaaliyeed uu la wadaagay war aan farxad gelineyn, xilli ay dhowrayeen heshiis iyo war ay ku farxaan oo ka soo yeera shirkii madaxda uga socday teendhada Afisyooni.

Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa reer Somaliland ka dalbaday inay wasiir Dubbe ka qabsadaan, iyagoo ku goodiyey in hadii wax ka qabsada ay waayaan ay iska qabanayaan.

“War Somalilaney Dubbe naga ceshada, war Dubbaan ashtako ka nahay, hadii uu yahay nin dad leh, waxaan idinka codsaneynaa inaad naga ceshataan ninkaas, Dubbe waxa uu caadeystay inuu Xamar fidno ka abuuro, shirkii Afisyooni oo socda waakii shir jaraa’id qabtay, muuqaalka habeenkii ayuu soo duubtay sida ay siyaasiyiintu sheegayaan, madaxweynihii iyo madax goboleedyadii oo wada fadhiya ayuu warbahinta ka sii daayey in shirka lagu kala tegay, war reer waqooyiyow ninkaas aad noo soo dirteen naga qabta, waa dacwadii koowaad, wixii tan ka dambeeyana waan iska qabaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Oday kale ayaa isna yiri, “Shirarka looga hadlayo doorashooyinka waxa fashilinaya waa wasiir Dubbe iyo kooxdiisa, nimanka ay ku eedeynayaan fashilka shirkaas ee Deni iyo Madoobe waxaan aaminsanahay in aysan wax fashilin, waxaan aaminsanahay inay xaq u dirir yihiin oo ay xaqiiqda ku taagan yihiin.”

Odayaashaan ayaa madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada taabacsan ku eedeeyey inay doorashada diidan yihiin, isla markaana ay ku xad-gudbayaan nidaamka iyo shuruucda dalka.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo Farmaajo iyo kooxdiisu wax dana markaan ma hayaan, kuwa wax loo tuur tuurayo, ee taageesan waxaan dhihi lahaa waxaa taageertaan meesha ma joogaan… waxaana rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u cadeeyey Xamar waxaa xukuma Shabaab, warqadda ay Bu’aale kasoo diraan ayaa Xamar ka shaqeysa, dhibaatooyinkaas oo dhana waxaa ka masuul ah Farmaajo iyo Ilmo Gareen,” ayuu yiri.

Oday kale ayaa sheegay in dowladdu markii horeba aysan diyaar u aheyn in lagu heshiiyo shirarkii Afisyooni, isla markaana ay kas cad u fashilisay, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka Daawo