Dilkii guddoomiye C/Xakiin Dhegajuun oo la shaaciyey inuu ahaa “dil kas ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneral Cabdullahi Buulle Kamey ayaa shaaca ka qaaday dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun uu ahaa “dil kas ah.”

Jeneral Cabdullaahi oo caawa la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in arrintaas lagu ogaaday baaritaankii ay sameeyeen guddigii arrintaas loo saaray oo maanta maxkamadda ciidamada usoo gudbiyey warbixinta natiijada baaritaanka.

Waxa uu intaas ku daray in maalinta berri ay shaacin doonaan magacyada ayna sameyn doonaan eedda ka dhanka ah dadka loo haysto dilka, islamarkaana ay muddeyn doonaan maxkamadda.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixaakiim Dhegajuun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho abaare 2-dii aroornimo.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa maanta sheegay in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa yimid maalin kadib markii ay beesha marxuumka ku eedeysay dowladda in kiiska meel la isaga tuuray, islamarkaana lasii daayey qaar ka mid ah dadkii ku eedeysnaa.