Ciidan gadoodsan oo xirtay waddooyinka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay gadood ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa kasoo baxay Xerada Indha Qaris, iyaga oo la wareegay saddex koontarool oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa koonfurta Gaalkacyo, iyaga oo gaadiidka u diidaya isticmaalka waddooyinka magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysa ciidamadan ayaa shaaciyey in aysan wax mushaar ah qaadan illaa saddex bilood, isla-markaana ay waayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen Galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay billowdeen dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas dadaal badan ku bixinaya sidii loo xalin lahaa tabashada ciidamadaasi, dibna loogu celin lahaa xeradii ay kasoo baxeen.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedyada Galmudug, kuna aadan xiisadaasi.