DF Soomaaliya oo codsi u gudbisay MAREYKANKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, kulanka ayaa looga hadlay hadlay xoojinta xiriirka militari ee u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidoo loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka socda gudaha Soomaaliya iyo tababarada Mareykanka uu siiyo Ciidanka Xoogga dalka.

“Kulanka Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka Milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ,iyo sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda Mareylanka ay siiyaan CXDS,” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxaya Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Mareykanka uu kordhiyo taageerada iyo tababarada uu siiyo ciidamada xoogga Soomaaliya, taasi oo wasiir Xasan Xuseen Xaaji uu u gudbiyey saraakiisha militariga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si gaar ah iminka u tababara ciidamada xulka ah ee Danab, ee la dagaalama Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in bilihii dhowaa ay ka hor-timid in ciidamadaas loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Wargeyska Washington Post ayaa horaantii March qoray in saraakiisha militariga Mareykanka ay diideen qorshe la doonayey in ciidamada Danab lagu keeno Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan ciidamo is-hortaag ku sameeyey dibad-baxyadii ay qorsheeyeen mucaaradkii 19-kii Febraayo, markaas oo la rasaaseeyey.

Si ka duwan Turkiga oo dowladda Soomaaliya u ogolaaday inay ciidanka Gorgor iyo Haramcad u adeegsato sida ay doonto, Mareykanka ayaan ogoleyn in ciidan ay tababaraan loo adeegsado arrimi siyaasadeed.