Daawo: Qisada cajiibka ah ee Maxamed Cali Cabdiraxman – Wiilka galay kaalinta labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii sanadkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dowladda, waa 18-sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay duruufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warbixiyey marxaladihiisii waxbarasho.

Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku baratay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada.

Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey.

Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dhameeyey Qur’aanka Kariimka, isla markaana ku guuleystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb galay, sida uu ku sheegay wareysigaan.

“Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guuleystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag.

“Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awoodi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta bareega la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp

Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in sanadkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan hadda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Jaamacadda.

Hoos ka daawo warbixinta